Wararka Gudaha

Dhageyso Farmaajo oo Heshiis Ay Colaadi Daba Taallo Dhex Dhigay Cadaado Iyo Dhuusomareeb.

Madaxweynaha dowladda federalka ah Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu heshiis dhex dhigay magaalooyinka Dhuusomreeb iyo Cadaado oo ay siyaasiyiintoodu ku loolamayeen halka caasimadda laga dhigayo iyo arrimo kale oo maamulka la xiriira.

Farmaajo ayaa ugu dambeyntii magaalada Cadaado ka dheegay in uu soo go’aamiyay iney Cadaado noqoto xarunta Baarlamaanka, Dhuusomareebna ay noqoto xarunta maamulka. Ugu dambeyntiina xubnihii dowladda ka gadoodsanaa ee ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa aqbalay arrintaas.

Heshiiskan ayaa ah mid halis badan xambaarsan oo lagu micneeyay (heshiis ay colaadi daba taallo) sababtoo ah, madaxweynuhu ma sheegin mudada ay Cadaado sii ahaan karto fadhiga Baarlamaanka, sidoo kale kama aanu hadal xilliga ay Dhuusomareeb sii ahaan karto caasimadda.

Intaa waxa dheer oo ay colaada ugu dhow ka iman kartaa mooshinnada ay xildhibaanadu keenaan. Tusaale ahaan: Cidda mar walba mooshinka keentaahi waa Baarlamaanka cidda laga keenaahina waa madaxweynaha iyo Xukuumadda. Haddaba haddii uu Baarlamaanka Cadaado mooshin keeno waxay ka dhignaaneysaa isagoo weerar ku ah Dhuusomareeb, waana halkaas meesha ay colaada iyo is nacaybka kasii qaadayaan labada magaalo oo 30KM uun isku jira.

Isku soo wada duuboo nidaamka Federalka ee la keenay dalka Soomaaliya ayaa ka dhigan halis weyn oo haddii aanan laga hor tagin keeni karta in adduunka laga waayo qaran mideysan oo madax bannaan oo Soomaaliya la yiraahdo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*