Wararka Gudaha

Gaari Dagaal oo Xabashida Looga Gubay Gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in gaari dagaal oo qeyb ka ahaa kolonyo ciidamada Xabashida ah iyo askartii saarnayd la gubay kadib markii lala beegsaday qarax aad u culus.

Kolonyadan ayaa waxaa lagu beegsaday degmada Bardaale ee gobolka Bay  xilli ay socdaal ku jireen, waxaana la xaqiijiyay in gaariga la gubay noociisu uu yahay Cabdi-bile.

Kolonyada Xabashida ayaa waxay dantu ku kalliftay iney yara hakadaan si ay u uruursadaan meydadka saaxiibadooda ku oomaaray gaariga Cabdi-bilaha ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhib qaba isku socodka degmooyinka ay ka kala joogaan gobolka Bay illaa xuduud beenaadka, tan oo ka dhigan in ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka ammaanka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*