Wararka Gudaha

Dagaal Ka Dhacay Buulomareer.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraray weerar ku qaaday saldhigga ay askarta shisheeye ee Amisom ku leeyihiin magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaan illaa iyo hadda la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in ay maqlayeen hugunka madaafiicda iyo daryaanka rasaasta.

Askarta Amisom ayaa wajahaya xaalad adag, ma awoodaan iney si nabad ah saadka isku gaarsiiyaan, sidoo kale nabad kuma ladi karaan saldhigyada ay ku jiraan kuwaasoo si joogto ah loogu weeraro.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*