Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Waa sidee Xaaladda Muqdisho?

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa yara degan iyadoo laga cabsi qabo goor waliba in iska hor imaadyo ka dhacaan maadaama ay ku sugan yihiin Ciidamo iska soo horjeeda oo hub fara badan ku raran.

Dowladda Federaalka ah ayaa Xalay Ciidamo hor leh wadooyinka ku soo daadisay ka gadaal Markii Taliyihii hore ee ee Baliiska Gobalka Banaadir Saadaq joon iyo Ciidamo uu wato degeen Rugtii Saraakiisha ee Shiirkoole ofoshaale oo u dhaw Wasaaradda Gaashaan dhigga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed CabdullaahiFarmaajo ayaa dhawaan Xilkii ka qaaday Saadaq Joon Maadaama uu ka hor yimid mudda krodhinta Madaxweynuhu sameystay , wuxuuna Famrajo sidoo kale ka Xayuubiyay Derejooyinka Ciidan asigoo ku tilmaamay Qaran dumis.

Xalay Magaalada Muqdisho waxaa ka jirtay Xiisad Colaadaade oo ilaa iyo iminka taagan iyadoo saadaq joon taageero ka helayo Murashixiinta iyo iyo xubno kale oo Mucaarad ah oo qaarkood xildhibaano yihiin iyo Odayaal iyo dad kale intaba.

waxaa jiray wada hadalo ay yeesheen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) iyo Ra’iisalwasaare Rooble iyadoo Madaxweynaha Glamudug ka shaqeynayay in aan la weerarin saadaq joon.

Farmaajo aya diyaarsaday Ciidamada Haramcad iyo kow kale oo uu uuhormuud u yahay Taliyaah Cusub ee Baliisak Bnaadir Ninka la yiraahod Farxaan qaroole.

si kastaba ahaatee wejigaMuqdisho ayaa ah mid aan lagu tilaami karin Xisilooni dhab ah waxaan la arkayaa ciidamo iska soo horjeeda oo kee la yuurar ah ama afarta riishadda ku wada haysta.

Farmaajo oo Mudo laba sano ah xilka ku darsaday waxaa ka go’an wixii¬† horyimaaada in uu la dagaalamo kuna tilamaamo Qaran dumis, Shisheeye kal kaal dowlad diid iyo wixii la mid ah.

Mucaaradku waxay sheegayaan in Farmaajo uu yahay dagaal ooge ama hogaamiye kooxeed Madaxtooyada xoog iyo qori Caaradii ku jooga.

waxa loogu yeero Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan waqti kororsiga Dowadda Federaalka ah laakiin ma jiraan wax tilaabo ah oo ay ilaa iyo iminka qaadeen.

waxaa suura gal ah in ay Famraajo iyo iyagu is og yihiin oo dhaliisha ay jeedinayaanu tahay waxba kama jiraan inkastoo geesta kale ay dhicikarto in ay qaataan go’aano Farmaajo ka dhan haddii ay sidaas dantooda u arkaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*