Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Weeraradii u dambeeyay ee Alshabaab qaaday

Ciidamada Xarakada Shbaabaul Mujaahidiin ayaa Xalay weerar fool ka fool ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalaka ah oo ku sugan Deegaanka Tareedisho ee Magaalada Muqdihso u soo xiga dhanka Afgooye,

in mudda ah ayuu halkaa dagaal ka socday waxaana la maqlayay diryaanka hubka la is weydaarsanaayay oo u badnaa qoryaha daran dooriga u dhaca.

isla xalay agagaarka Xarunta Ciidamada asluubta ee Magaalada Muqdisho waxaa qarax lagula beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalaka ah oo fariisin ku leh.

Shalay Galab Deegaanak Tabbeelaaha Sheekh Ibraahim oo kaabiag ku haya Tareedisho Ciidamada Alshabaab waxay ku dileen Askeri Jiinow la oran jiray oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka ah.

dhanka kale Xalay Ciidamada Xarakada Shababaabul Mujaahdiin waxay howl glao kala duwan ak fuliyeen Gobalada Jubada hoose iyo Shabeelaha hoose.

Waxay weerareen Ciidamada Kenya ee dhufeysada ku leh Deegaanka Cabdalla Biroole ee Gabalka jubada ahoose kuwaasoo sidaan oo kale horay weeraro caynkaan ah ula kulma.y

Geesta kale weerar laba geesood ah ayay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidin ku qadeen Ciidamada Uganda iyo kuwa Dowladda Federaalka h ee Fariismaha ku leh Janaale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose,

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*