Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Gudoomiyihii Degmada Xamar jajab oo la dilay.

Gudoomiyihii Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho ee Dowladda Federaalka ah ayaa Xalay lagu dilay agagaarka Deegaanka Sarkuusta oo Muqdisho ka tirsan una dhaw Ekis koontarool Afgooye.

Dilka Gudoomiye Maxamed Cabdi Axmed Xayle waxaa ka soo baxaya warar kala duwan welina ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadiisa,

waxaa dilkiisu ku soo qaaday Xili Xalay Muqdisho ay ka taagneyd Xiisad Coalaadeed oo dhaxeysa Dowladda Federalaka ah iyo taliyihii horee Baliiska Gobalka Banaadir Saadaq joon oo garab ka helaya qaar ka mid ah Xildhibananada Mucaaradka.

Meydka Gudoomiyaha ayaa goor dambe goobta laga qaaday iyadoo durbadiiba Madaxda Gobalka Banaadir lagu war geliyay Geeridiisa.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*