Maxaa Cusub, Uncategorized, Wararka Gudaha

Sarkaal Caan ahaa oo lagu dilay Shabeelaha dhexe.

Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxoow  oo ka tirsanaa Saraakiisha Dowladda Federaalka ah ayaa Shalay Galab lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka Deegaanka Gololleey ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyad qaraxaan lagu dilay Sarkaalkaan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen shan askeri oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

Doraad ayaa sarkaalkaan qarax lagula beegsaday meel aan ka fogeyn hallka iminka lagu dilay waxaana warar soo baxay sheegayeen in dhaawac soo gaaray loona qaaday Magaalada Jowhar halkaasna daawooyin lagu siiyay kadibna uu go’aansaday in uu aado magaalada Muqdisho laakiin waxaa loo dhigay¬† qarax kale oo uu naftiisa ku waayay.

Madaxweynaha Maamulka Hirshableelle Cali Guudlaawe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku muujiyay sida uu uga xun yahay dilka loo geystay Sarkaalkaan oo ay wada shaqeynu ka dhexeysay.

Jidka iskau xira Muqdisho iyo Jowhar ayaa horay loogu dilay askar iyo Saraakiil badan oo ka tirsan Dowladda Federaalk ah iyo Maamulka Hirshabeelle kuwaasoo Xarakada Shbaabul Mujaajidiin qaarkood Miinooyin la beegsatay halka kuwana ay ku dishay weeraro fool ka fool ah.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*